Miyay Ben Davies & Ozan Kabak Wada Ciyaari Karaan Kuanka Brighton? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay saxiixyadiisa cusub ee Ben Davies & Ozan Kabak ka hor kulanka Brighton ee horyaalka premier League.

Xiddigaha Ben Davies & Ozan Kabak ayaa ku soo biiray Liverpool maalintii ugu dambaysya suuqii January si ay u xaliyaan dhibaatada daafaca ee Liverpool.

Tababaraha kooxda Liverpool ayaa wax laga waydiiyay suurtagalnimada in ay ku wada bilaaban karaan daafaca Liverpool kulanka ay Liverpool Arbacada la ciyaari doonta kooxda Brighton.

Labada xiddig ayaa tababarkoodii ugu horeeyay la qaatay kooxda Liverpool ka hor kulanka Brighton ee horyaalka premier League.

Tababare Klopp ayaa la waydiiyay in ay labada xiddig ku bilaaban karaan shaxda Reds waxana uu ku jawaabay”Hadii ay Kabak/Davies ku wada bilowdaan kulanka Brighton wax macno ah ma samaynayso”.

“Waxan u malaynayaa in aan siin doono maalmo yar oo ay tababar isla qaataan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*