Miyay Arsenal Wax Dalab Ah Ka Gudbisay Patrick van Aanholt, Warar Cusub Ayaa Soo Baxay.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ayna wali wax dalab ah ka gudbin saxiixa xiddiga daafaca kooxda Crystal palace ee Patrick van Aanholt sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa la rumaysan yahay in ay doonayso saxiixa daafac Bidx maalinta ugu dambaysa suuqa si uu ula tartamo daafaca Kieran Tierney.

Patrick van Aanholt ayaa ah xiddig uu tababare Mikel Arteta calaamadsaday waliba doonayay in uu ku xoojiyo booska daafaca Bidix.

Laakiin ESPN ayaa sheegaysa in ayna Arsenal wali wax dalab ah ka gudbin saxiixa Patrick van Aanholt xilli saacado ka dhimantahay xidhitaanka suuqa.

Warkan ayaa imanaya xilli ay Arsenal ogolaatay in ay Amaah ku dirto xiddiga Ainsley Maitland-Niles kaas oo kooxda kaga biiray West Brom.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*