Miyay Arsenal La Soo Saxiixanaysaa Weeraryahan Cusub? Romano Ayaa Ka Jawaabay.

Arsenal ayaa wali ‘u furan’ in ay la soo wareegto weeraryahan cusub xagaagan iyada oo doonaysa in ay si joogto ah u fasaxdo Eddie Nketiah sida uu qabo Fabrizio Romano.

Gunners ayaa ku fashilantay baacsiga Benjamin Sesko kaas oo go’aansaday in uu sii joogo RB Leipzig.

Si kastaba ha ahaatee, Romano ayaa ku daray in la soo saxiixashada weeraryahan cusub ay ku xirnaan doonto fursadaha jira.

Arsenal lama filayo in ay qarash garayso lacag badan maadaama meelaha kale ay u baahan yihiin in lagu xoojiyo kooxda.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo badan oo ka ciyaara weerarka waxana la sugayaa xiddiga uu noqdo dookha kooxda Mikel Arteta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga