
Kooxda Real Madrid ayaa fursad u haysata in ay ku guulaysato horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kulanka caawa ee ay la ciyari doonto kooxda Villarreal kulan ka tirsan todobaadkii 37-aad ee horyaalka.
Waxa caawa garoonka ay ka dhacayso Real Madrid iyo Villarreal joogi doona Antonio Gomez Reino kaas oo Los Blancos gudoonsiin doona koobka hadii ay ku guulaystaan horyaalka.
Antonio Gomez Reino ayaa Xubin ka ah Golaha wakiilada Spain sidoo kale ah agaasimaha xiriirka kubada cagta Spain sidaas darteed waxa uu masuul ka noqon doonaa in uu Real gudoonsiiyo horyaalka.
Kooxda Los Blancos ayaa horyaalka La Liga ku guulaysan doonta markii ugu horaysay xilli ciyaareedkii 2016/2017 markaas oo ugu dambaysay horyaalka La Liga.
Be the first to comment