Miralem Pjanic Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Barcelona

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Miralem Pjanic ayaa sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Barcelona waliba u dagaalamo mustaqbalkiisa Barcelona inkasta oo uu xilli ciyaareed niyad jab leh ku qaatay Camp Nou sanadkiisii ugu horeeyay.

Kubadsameeyaha reer Bosnia-Herzegovina Pjanic ayaa ku soo biiray Barca sanadkii hore iyada oo Barcelona ku badalatay xiddiga Arthur kaas oo u biiray kooxda Juventus.

Pjanic ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed xun sanadkiisii ugu horeeyay isaga oo ku dhibaatoonaya in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii uu ku soo bandhigay kooxda Juventus intii uu joogay.

Waxa soo baxay warar sheegaya in ay Kooxda Barcelona qorshaynayso in ay iska iibiso xiddiga reer Bosnia si ay boos ugu banayso xiddigaha kale ee ay doonayso in ay xagaaga la soo saxiixato.

Pjanic oo la hadlaya wargayska Mundo Deportivo ayaa ydhi”Anigu Barcelona kuma soo biirin si aan sanadka xigaba uga tago”.

“Waxa aan kooxda u imid in aan taariikh ka sameeyo xiddigan waxana aan doonayaa in aan sii joogo kooxda sanadaha soo socda”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*