
Milos Kerkez ayaa laga yaabaa inuu helo Numberka riyadiisa hadii uu ku biiro kooxda Liverpool.
Kerkez ayaa ku sii dhawaanaya inuu u dhaqaaqo Anfield, kadib wacdaro ka dhigay Bournemouth.
Liverpool ayaa suuqa kala iibsiga xagaagan ka dhigatay saxiix cusub oo daafaca bidix ah.
Xiddiga Robertson ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita taas oo shaki galisay awoodiisa in uu noqdo dookha 1-aad.
Kerkez ayaa si degdeg ah u noqday bartilmaameedka ugu sarreeya ee Reds ka dib markii uu wacdaro ka dhigay Cherries.
Waxa uu ku soo bilowday mid kasta oo ka mid ah 36-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka xilli ciyaareedkan, isaga oo ka caawiyay in ay gaadhaan rikoodhka dhibcaha ugh sareeya.
Waxa uu sidoo kale noqday ciyaaryahan joogta ah oo u ciyaara Hungary oo ka ciyaara ciyaaraha caalamiga ah, waxaana uu si weyn uga soo muuqday Euro 2024.
21-jirka ayaa hadda ku dhow inuu u dhaqaaqo waqooyiga kooxda Liverpool.
Madaxda Liverpool ayaa wadahadalo la furay dhigooda Bournemouth iyadoo ay socdaan wada xaajoodyo ku saabsan qiimaha xiddiga waxana u heli doona numberkiisa riyada.
Xiddiga reer Hungry ayaa Bournemouth u qaata Numberk No.3 laakiin xiddiga Wataru Endo ayaa Liverpool u qaata Numberkaas.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Japan ayaa u guuri doona Numberka No. 6 si uu Kerkez ugu ogolaado in uu qaato Numberka No. 3
Be the first to comment