Mikel Arteta Oo Xiddigaha Arsenal U Sheegay Waxa Looga Baahanyahay Si Ay Ugu Soo Baxaan Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Tababaraha Kooxda Arteta ee Mikel Arteta ayaa xiddigaha kooxdiisa u sheegay waxa looga baahanyahay in ay sameeyaan hadii ay doonayaan in ay Gunners xilli ciyaareedka dambe ka qayb gasho champions League.

Gunners ayaa ku soo laabatay boosaska Europa League kadib 3 guul oo ay gaadhay horyaalka premier League.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in ay haatan kaliya 8 dhibcood u jiraan kaalinta 4-aad ee ay ku jirto chelsea iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya kaalinta 5-aad ee ay Man United ku jirto.

U Soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe ayaa lagu helayaa kaalinta 5-aad hadii ay Man City ku fashilanto in ay racfaan ka qaadato ganaaxa laga saaray tartanka laakiin Arteta ayaa xiddigaha kooxdiisa si cad ugu sheegay in dadaal dheeraad ah loo baahanyahay hadii ay doonayaan boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Waa in aanu badino kulan walba oo noo hadhay kadib aan sugno waliba ducaysano”ayuu Arteta yidhi.

“Kaliya ma ahan kulan waxa aan u baahanahay in aanu kulan walba badino”.

“Todobaadyo ka hor aad ayaan uga fogayn in aan ka fikirno boosaska Europ haatan waxa aan ku dhawnahay boosaska champions League sidaas darteed waa in aanu kulan walba badino kadib ogaano meesha aan gaadhno”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*