Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay In Ay Arsenal Xiddig Kale Oo Kooxda Ah Heshiis Cusub Ka Saxiixanayso, Mana Ahan Aubameyang.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Arsenal wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Alexandre Lacazette.

Gunners ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay heshiisyo cusub ka saxiixatay xiddigaha Gabriel Martinelli, Buyako Saka, Cedric Soares, Pablo Mari & David Luiz laakiin Gunners ayaan halkaas ku joogsan doonin.

Kooxda Arenal ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe kaas oo uu saxiixay xagaagii 2017 markii uu kaga soo biiray Lyon.

Tababare Mikel Arteta ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in ay kooxdu wadahadalo la furtay xiddiga Alexandre Lacazette si ay kooxda ugu sii hayso.

“Waxa aan wadahadalo kula jirnaa xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo aan ku faraxsanahay in uu sii joogo kooxda”ayuu Arteta yidhi.

“Haatan waxa lagu jira bilowgii wadahadalada laakiin waxa jiri doona wadahadalo badan oo lagu xalin doono xaalkiisa”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*