Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay Dhaawac Soo Gaadhay Xiddig Muhiim U Ah Kooxdiisa.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijisay in uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay xiddiga Bukayo Saka intii lau jiray kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Tottenham.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 6 gool iyo 6 caawin tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga ayaa laga saaray qaybtii Nasashada ee kulankii ay kooxda Arsenal la ciyaartay kooxda Tottenham iyada oo lagu badalay xiddiga Nicolas Pepe.

Kadib ciyaarta tababare Mikel Arteta oo ka hadlaya xaalda xiddiga ayaa yidhi”Ilaa haatan ma garanayno sida uu u xunyahay dhaawacu,laakiin waxa uu ka dhaawacmay muruqa”.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu baadhitaan maro saacadaha soo socda si loo ogaado fursadihiisa kulanka khamiista ee Europa League iyo kulanka West Ham ee todobaadka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*