Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay 5 Xiddig Oo Ka Tagi Doona Arsenal.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa qirtay in “afar ama shan ciyaartoy” ay ka tagi doonaan kooxda xagaagan.

Arteta, oo hadlayay ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Newcastle axadii, ayaa balan qaaday xagaa weyn oo  suuqa kala iibsiga ah.

Ciyaartoyda waxaa ka mid ah Jorginho, oo ku biiraya Flamengo ee Brazil, iyo Kieran Tierney oo ku  wajahan Celtic.

Xiddigaha Amaahda ah ee Neto iyo Raheem Sterling ayaa ku laaban doona kooxohooda.

Oleksandr Zinchenko oo aan ciyaarin kulamo badan ayaa sidoo kale la filayaa in uu isaga tagayo kooxda.

Arteta ayaa yiri: “Sida iska cad waxaan u baahanahay ciyaartoy sababtoo ah kooxdu runtii way yartahay, waxa intaa dheer waxaan lumineynaa afar ama shan ciyaartoy oo qandaraasyadu dhacay aan”.

“Markaa, waxaynu u baahanahay inaynu si fiican suuqa u galno si aan ugu dagaalano Mar kale xilli cigaareedka dambe koobabka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga