Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in dhaawacyadu ay carqaladeyn karaan dadaalka kooxdiisa ee ku aaddan hanashada afarta koob (quadruple) xilli ciyaareedkan.
Arteta ayaa la hadlay warbaahinta Axaddii, kadib markii uu daawaday kooxdiisa oo 4-0 ku garaacday Wigan Athletic wareegga afaraad ee FA Cup.
Kabtanka kooxda Martin Odegaard ayaa seegay kulanka sababo la xiriira jug, halka Riccardo Calafiori uu ku dhaawacmay kululayn ka hor ciyaarta.
Gunners waxa haatan ka maqan Mikel Merino iyo Kai Havertz.
“Haah, gaar ahaan sababtoo ah waxaan maraynaa marxalad… markii hore waxay ahaayeen weeraryahanada, kadib waxay noqdeen daafacyada, hadda waa khadka dhexe,” ayuu Arteta ku jawaabay markii la weydiiyay inuu ka walwalsan yahay in kooxdu yaraatay iyadoo ay ku tartamayso afarta koob.
Arsenal waxay afar dhibcood ka horeysaa hoggaanka tartanka Premier League, waxayna wajihi doontaa Manchester City final-ka Carabao Cup.
Sidoo kale kooxda Arteta waxay ku dhammaatay kaalinta koowaad wareegga group-yada Champions League.
“Weli waan la tacaaleynaa arrintaas, balse waxaan u baahanahay ciyaartoy dib u soo laabta oo taam ah, si aysan u kordhin tirada oo kaliya balse ay noo siiyaan xulashooyin kala duwan marka loo eego kooxaha aan wajahayno, sidaas darteed sida ugu dhaqsaha badan ayay noogu fiicnaan lahayd,” ayuu Arteta hadalkiisa ku daray.
Be the first to comment