Mikel Arteta Oo Si Maldahan U Go’aamiyay Mustaqbalka Martin Odegaard

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga Martin Odegaard isaga oo si maldahan u sheegay in ay kooxdu doonayso in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga.

Xiddiga reer Norway ayaa ciyaaray 8 kulan oo uu ka mid ah badal ku soo galay isaga oo xiddig muhiim ah ka noqday tan ilaa markii uu amaahda ugu yimid Gunners suuqii January.

Xiddiga kubad sameeyahay ah ayaa kooxda Arsenal ka caawiyay in ay bar-baro la gasho West Ham kadib markii kooxdiisa 3 gool looga hor maray ciyaarta.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhiga kooxda waxana uu Arteta sheegay in uu xiddiga aad u qiimeeyo.

“Sida uu u ciyaaro marka uu ku jiro garoonka, waxa uu mar walba doonayaa in uu kubada haysto run ahaantii samaayn ayuu ku yeeshay kooxda”.

“Waan la yaabanahay sababta oo ah waa xiddig xishood badan laakiin marka uu garoonka galo waxa uu yeeshaa waji kale waxana uu jecelyahay in uu ciyaaro kubada”.

“Waxa aan jecelahay tayadiisa iyo waliba kubad samayntiisa waxa aan ka shaqaynaynaa sidii uu noola sii joogi lahaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*