Mikel Arteta Oo Si Cad Go’aan Uga Soo Saaray Mustaqbalka Emile Smith Rowe

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in Emile Smith Rowe uu ka tagi karo kooxda xagaagan.

Xiddiga da’yarka ah ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Arsenal isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Hibernian.

Waxqabadka Smith Rowe ayaa fure u ahaa isbeddelka bartamihii xilli ciyaareedka ee Arsenal intii lagu jiray 2020/2021 Aston Villa ayaana xiiso u qabta saxiixa xiddiga inkasta oo ay Arsenal ilaa haatan diiday laba dalab.

Markii la waydiiyay wararka ku saabsan mustaqbalka xiddiga iyo xiisaha Aston Villa ayuu Mikel Arteta yidhi”Su’aal la’an Smith Rowe 100% waxa uu joogayaa Arsenal”.

Arintan ayaa imanayasa xilli ay Arsenal isku dayayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ah kaas oo ay doonayso in ay ka saxiixato heshiis 5 sano ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*