Mikel Arteta Oo Sheegay 5 Xiddig Oo Kooxdiisa Ah Oo Seegi Kara Kulanka Everton.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in ay jiraan 5 xiddig oo kooxdiisa ah kuwaas oo seegi doona kulanka ay Gunners la ciyaari doonto Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyan, David Luiz, Kieran Tierney, Martin Odegaard iyo Alexandre Lcazette ayaa dhamaantood dhaawacan waxana uu shaki ku jiraa taam ahaanshohooda kulanka Everton.

Arsenal ayaa galaysa todobaad muhiim ah laakiin Mikel Arteta ayaa ciyaari doona la’aanta 5-ta xiddig ee kor ku xusan kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Everton halka uu sidoo kale shaki ku jiro kulanka Villarreal ee Europa League.

“Haa, Nasiib xumo waa xaalad aan ku jirno haatan”ayuu Mikel Arteta yidhi isaga oo ka hadlaya xiddigaha dhaawacan.

“Dhamaantood waxa ay ku jiraan xaal fiican laakiin ma filayno kulanka Everton, Martin ayuu shaki ku jiraa in uu taam u noqon karo kulanka laakiin waxa aan eegi doonaa tababarka maanta, inta kale waan hubaa in ays eegi doonaan kulanka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*