Mikel Arteta Oo Sharaxay Inta Ay Arenal U Jirto Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa rumaysan in ay Arsenal dhawr suuq u jirto u tartamista horyaalka premier League.

Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta 12-aad ee kala saraynta premier League kadib 4 guul oo ay gaadhay 9 kulan oo ay ciyaartay.

Artenata ayaa Arsenal ku hogaamiyay kaalinta 8-aad horyaalka xilli ciyaareedkii hore laakiin haatan waxa uu doonayaa in uu kooxda ku soo celiyo champions League.

Gunners ayaa xoojisay kooxda xagaagii iyaga oo 45 milyan kula soo wareegay xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey.

Laakiin Arteta ayaa doonaya in ay Arsenal sii wado xoojinta kooxda si ay ugu tartamaan 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka.

Markii la waydiiyay inta ay Arsenal u jirto u tartamista horyaalka premier League ayuu Arteta u sheegay Sky Sport”Waxa aaan u baahanahay dhawr suuq ugu yaraan”.

“Si aad u noqoto koox u tartami karta waliba aan ula tartami karno kooxaha qaar waxa ay qaadanaysaa wakhti”.

“Kubada cagta wakhtiga iyo samirka dadka ayaa muhiim ah”.

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*