Mikel Arteta Oo Shaki Galiyay Ka Qayb Galka Xiddig Kooxdiisa Ah Kulanka Slavia Prague

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Martin Odegaard ayaa shaki galiyay taam ahaanshaha xiddiga wacdaraha dhigaya ee Martin Odegaard kulanka caawa ee tartanka Slavia Prague.

Odegaard ayaa ciyaaray kulankii ay Arsenal guuldarada 3/0 ah kala kulantay Liverpool sabtidii inkasta oo uu dhaawac kuraanta ah kala yimid waajibaadka xulka qarankiisa.

“Mar kale ayaan qiimayn doonaa xaaladiisa”ayuu Mikel Arteta yidhi markii wax laga waydiiyay xiddiga ka hor kulanka Europa Leaue.

“Waxa uu watay dhaawac maalmihii ugu dambeeyay tan ilaa markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa”.

“Waxa dhaawacmay dhawr xiddig kulankii Liverpool sidaas darteed waxa aan eegi doonaa sida ay yihiin”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*