Mikel Arteta Oo Shaaciyay Go’aanka Kooxdiisa Ee Saacadaha Ka Dhiman Suuqa January.

Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay qorshaha kooxdiisa ee suuqa January.

Waxa lagu jiraa saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa January iyada oo kooxuhu u dadaalayaan sidii ay u samayn lahaayeen saxiixyo cusub.

Si kasta ha ahaatee Mikel Arteta ayaan samayn doonin wax saxiixyo ah saacadaha ka dhiman suuqa kala iibsiga January.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Macquul ma ahayn in aan samayno wax saxiix ah suuqa january”.

“Ma aanan lahayn awood aan ku horumarino kooxda marka la qiimeeyo xaalada aan ku jirno, Sidaas darteed waxa aan go’aansanay in aanan wax saxiix ah samayn”.

“Waa run waxa aan haysanaa shaxda ugu diciifsan horyaalka laakiin waxa aan go’aansanay in aanan wax saxiix ah samayn”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga