Mikel Arteta Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee U Gudbida Wareega Xiga Ee Europa League Kadib Bar-Barihii Slavia Prague

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa rumaysan in ay kooxdiisu u gudbi doonto wareega Semi-final-ka Europa League inkasta oo ay bar-baro niyad jab leh la galeen kooxda Slavia Prague lugta 1-aad ee tartanka.

Nicolas Pepe ayaa Gunners u dhaliyay goolka 1-aad kulankii Slavia Prague laakiin waxa Arsenal laag dhaliyay goolka bar-baraha dhamaadkii ciyaarta.

Arsenal ayaa haatan ku qasban in ay dhaliso gool kulanka lugta 2-aad marka ay booqanayso kooxda Slavia Prague Khamiista dambe hadii ay doonayaan in ay u soo baxaan wareega Semi-final-ka tartanka Europa League.

Haatan Arteta ayaa rumaysan in ay kooxdiisu u soo bixi doonto wareega xiga ee tartanka waliba uuna wax shaki ah ka qabin awooda kooxdiisa ee dhamaystirka shaqada.

“Gabi ahaan waxa aan rumaysanahay in aan guul gaadhi karno kulanka lugta 2-aad, hadii aanan aaminsanayn ma imaadeen halkan”ayuu Arteta yidhi.

“U jeedkeena ayaa ah in aan halkaas tagno walib aan dhalin gool guul-na ka gaadhno kulanka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*