Mikel Arteta Oo Maamulka Kooxdiisa U Gudbiyay Liiska 3 Xiddig Oo Uu Doonayo In Loo Keeno.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa maamulka kooxdiisa u gudbiyay Liis 3 xiddig oo uu doonayo in loo keeno kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tababaraha reer Spain ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ku hogaamiyay Arsenal ku guulaysiga tartanka FA Cup-ka Sabtidii.

Dareenkiisa ayaa haatan u jesstay in uu Arsenal ka dhigo koox u tartanta premier League xilli ciyaareedkan iyada oo uu doonayo in uu boosas badan ka xoojiyo kooxda.

wargayska The Times ayaa sheegaya in uu ciyihii hore ee Man City doonayo in uu xilli ciyaareedka dambe ku ciyaaro shaxda 4-3-3.

Sidaas darteed Arteta ayaa maamulkiisa u sheegay in loo keeno xiddiga ku dhibaatoonaya Barcelona ee Philippe Coutinho, Xiddiga xorta uga tagay Chelea ee Willian iyo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey.

Waxa intaas sii dheer in uu maamulka u sheegay in ay heshisyo cusub ka saxiixaan xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Emiliano Martinez.

Sii Akhriso: XASAASI: Dalka Shiinaha Oo Watfi Culus U Diraya Somaliland & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*