Mikel Arteta Oo Loo Sheegay Wakhtiga Laga Caydhin Doono Shaqada Arsenal & Halka Arin Ee Uu Ku Badbaadin karo Shaqadiisa.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa loo sheegay in laga caydhin doono shaqada Arsenal hadii ay Gunners ku guulaysan waydo tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa ku dhibaatoonaysa in ay tartamada yurub uga soo baxdo dhinaca Premier League iyaga oo haatan ku jira kaalinta 9-aad waliba aan u dhawayn kaalmaha loogu soo boxo tartanka Europa League.

Laakiin Arsenal ayaa u soo bixi karta tartamada yurub hadii ay ku guulaystaan europa League xilli ciyaareedkan halka ay sidoo kale kaga bixi karaan koob la’aanta yurub.

Weeraryahankii hore ee kooxda Tottenham ee Darren Bent ayaa sheegay in halka wado ee uu Mikel Arteta ku sii haysan doono shaqadiisa Arsenal xilli ciyaareedka dambe tahay in uu kooxda ku hogaamiyo Europa League.

“Markii ay Arsenal raadinaysay tababare cusub waxa hor yaalay laba tababare kuwaas oo kala ahaa Mikel Arteta Iyo Carlo Ancelotti, waxana aan aaminsanahay in ay ahayd in ay u dhaqaaqdo Carlo Ancelotti”ayuu Bent u sheegay talkSPORT.

“Calaamadaha ugu horeeya waxa ay ahaayeen kuwo fician marka laga hadlayo sida uu Arteta koob ugu hogaamiyay laakiin xilli ciyaareedkan waxa ay ku dhibaatoonayaan qaab ciyaareed joogto ah, laakiin ma doonayo in ay Arsenal noqoto koox tababarayaasha mar walba caydhisa, wakhti qaar waa in aad wakhti siiso tababare”.

“Ma ahan cadaadis laakiin waa masuuliyad in uu kooxda u soo saaro yurub”ayuu sii raaciyay. “Kooxdu waxa ay ka dalbanaysaa waxa ay doonayso in ay dhacaan waana in uu shaqadaas qabto sababta oo ah waa waxa laga doonayo”.

“Mikel Arteta hadii uu doonayo in uu shaqadiisa sii wato waa in uu kooxda ku hogaamiyo Europa league”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*