Mikel Arteta Oo Loo Sheegay In Uu Sheegay In Uu Samaynayo Khaladkii Uu Unia Emery Ku Waayay Shaxdiisa Arsenal.

Martin Keown ayaa uga digay tababaraha Arsenal Mikel Arteta inuu samaynayo khaladkii Unai Emery ee ahaa si joogto ah u badalo qaabka uu ku ciyaarayo iyo waliba xiddigaha uu ku ciyaarayo kadib guuldaradii 1/0 ahayd ee ka soo gaadhay Leicester City.

Unai Emery ayaa laga caydhiyay shaqada Arsenal kadib markii uu kooxda hogaamiay kaliya 18 bilood kadib markii uu ku dhibaatooday in uu samaysto shax uu si joogto ah ugu ciyaaro.

Tan ilaa markii uu Mikel Arteta noqday tababaraha kooxda waxa uu xoojiyay daafaca kooxda laakiin waxa uu ku dhibaatooday dhanka weerarka.

Weerarka iyo dhanka kubad samaynta ayaa mar kale si weyn looga hadlay kadib guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay kooxd Leicester City.

Tababaraha Arsenal ayaa kulankii Leciester City ku soo galay shaxda 3-4-3 iyada oo uu Granit Xhaka dib u raacayay 3-da daafac ah marka laga haysto kubada.

Laakiin Halyeeyga Arsenal ee Keown ayaa Arteta u sheegay in uu kaliya hal shax doorto kadib taas mar walba ku ciyaaro.

“Waxa ay mar walba badalayaan nidaamka ama shaxda waana wixi uu Emery samayn jiray”ayuu Keown yidhi.

“Hadii aad si joogto ah u badasho Nidaamka ma helaysid isla qabsiga xiddigaha waana waxa ay sameeyaan koox walba oo guulaysata”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*