Mikel Arteta Oo Kashifay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Seegi Kara Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in uu daafaca David Luiz mari doono qaliin kilibka ah kadib markii uu seegay kulankii Liverpool isaga oo sheegay in uu xiddigu seegi karo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Luiz ayaa ciyaaray 90 daqiiqo kulankii ay Arsenal bar-baraha 3/3 la gashay West Ham ka hor fasaxii xulalka laakiin dareemay xanuun Jilibka ah ka hor kulankii Liverpool.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ka fikiraynaa qaliin, waxa aan la hadlaynaa dhakhtarada haatan si aan u qaadano go’aanka saxda ah laakiin waxa uu maqnaan doonaa dhawr todobaad ugu yaraan”.

Arteta ayaa la waydiiyay in uu Luiz mar kale ciyaari doono xilli ciyaareedkan waxana uu ku jawaabay”Ma garanayo, waxa ay ku xidhnaan doontaa go’aanka aan qaadano”.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Arsenal marka loo eego in ay dhibaatootay la’aanta Luiz kulankii ay xalay la ciyaartay Liverpool.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*