Mikel Arteta Oo Kashifay Wixii Uu Pep Guardiola U Sheegay Kadib Guushii Ay Arsenal Ka Gaadhay Man City FA Cup-ka.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday wixii uu tababaraha Man City ee Pep Guardiola u sheegay kadib dhamaadkii ciyaartii Semi-final-ka FA Cup-ka.

Kooxda Arsenal ayaa iska xaadirisay Finalka FA Cup-ka kadib guul 2/0 ah oo ay ka gaadhay kooxda Difaacanaysay koobka ee Man City.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa uu ii soo fidiyay gacanta waxana uu rajeeyay Nasiib fiican”.

“Anigu waan jecelahay Guardiola walina waxa aan u qadariyaa sidii aan horay ugu qadarinayay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Arteta ayaa ahaa caawiyaha Pep Guardiola ka hor intii uuna bishii December ka tagin kooxda tababaraha 1-aadna u noqon Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*