Mikel Arteta Oo Kashifay Wixii Uu Eddie Nkteiah U Sheegay Xiddigaha Arsenal Kadib Kaadhkii Casaa Ee Loo Tagaay Kulankii Leicester City.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa Kashifay Wixii Uu Eddie Nkteiah U Sheegay Xiddigaha Arsenal Kadib Kaadhkii Casaa Ee Loo Tagaay Kulankii Leicester City.

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka Premier Leageu todobaadkii 34-aad.

Kulanka ayaa kaadhka cas looga saaray xiddiga da’yarka ah ee Eddie Nkteiah kaas oo aan wax kubad ah taaban kadib markii uu badal ku soo galay isla markiiba daqiiqadii 73-aad laga saaray ciyaarta.

Arteta oo kadib ciyaarta wax laga waydiiyay xiddiga ayaa yidhi”Waxa uu ahaa mid niyad jabsan waxana uu raali galiyay dhamaan xiddigaha kooxda markii la galay qolka Labiska”.

“Waxa aan ogahay in uu doonayay in uu ku guulaysto kubada laakiin ma arkay xiddiga Leicester City waxana iska cadayd in uuna doonayn in uu cid dhibaato u gaysto”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*