Mikel Arteta Oo Kashifay Wakhtiga Uu Nuno Tavares Kooxda U Ciyaari Doono Kulankiisii Ugu Horeeyay

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay wakhtiga uu saxiixiisa cusub ee Nuno Tavraes ciyaari doono kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal.

Tavares ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay Arsenal samaysay kooxda Arsenal suuqa xagaagan kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Benfica kuna duugay qalinka heshiis wakhti fog ah.

Xiddiga ayaa la filayay in uu ka qayb qaato kulankii xalay ee ay Arsenal guuldarada ku bilaabatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka laakiin xiddiga ayaan xitaa kaydka ku jirin.

Kadib ciyaarta ayuu Mikel Arteta ka hadlay xiddigiisa cusub isaga oo sheega wakhtiga uu safan karo kulaniisii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

“Waan ku faraxsanahay saxiixa Tavares”ayuu Arteta u sheegay Sky Sport kadib markii wax laga waydiiyay saxiixa xiddiga.

“Nasiib xumo muu ciyaari karin kulankii Hibernian laakiin waxa laga yaabaa in uu ciyaaro kulanka Sabtida”ayuu sii raaciyay.

Kooxda Arsenal ayaa sabtida la ciyaari doonta kooxda Rangers kulankoodii 2-aad ee saaxiibtinimooyinka ay isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*