Mikel Arteta Oo Kashifay Sida Ay Xiddigaha Arsenal Uga Fal Celiyeen Guuldaradii Ka Soo Gaadhay Tottenhma Ka Hor Kulanka Liverpool.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in ay xiddigaha Yihiin kuwo xanaaqsan ah Isla markaasna aad uga xumaaday guuldaradii ka soo gaadhay Tottenham laakiin ku kalsoonyahay in ay xiddigaha kooxdiisu diyaar u yihiin todobaadkan oo mid weyn u ah kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa todobaad weyn ciyaari doonta iyaga oo Arbacada oo habeen dambe ah marti galin doona Liverpool ka hor inta ayna la ciyaarin kooxda Man City Semi-finalka FA Cup-ka.

Mar la weydiiyay sida ay ciyaartoydiisa dareemayaan ka dib guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay Spurs, Arteta ayaa ku jawaabay: “Shalay waxay ahaayeen kuwa xanaaqsan”.

“Waxa ay garanayaan macnaha uu kulankaas cid walba u lahaa”.

“Waxay dareemeen niyad jab sababtoo ah habka ciyaarta u dhacday, waxa ay dareemayaan in ay u qalmeen wax intaas ka badan”.

“Laakiin waa diyaar, waxay ogyihiin in kulamada soo socda maalmaha soo socda ay yihiin kuwo weyn, waa mustaqbalka xilli ciyaareedka sidoo kale waxay diyaar u yihiin inay mar kale isku dayaan oo ay sameeyaan dadaal”.

Sii Akhriso: Sababtii Dhabta Ahayd Ee Uu U Baaqday Wadahadaladii Somaliland & Somalia Uga Furmi Lahaa Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*