Mikel Arteta Oo Kashifay Sababtii uu Willian Uga Ciyaarsiiyay Weerarka Tooska Ah Kulankii Man City

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu weerarka tooska ah uga ciyaarsiiyay xiddiga Willian kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Man City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Man City kulan ka tirsanaa todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League.

Mikel Arteta ayaa weerarka tooska ah ka ciyaarsiiyay xiddiga Willian taas oo lama filaan ku noqotay marka loo eego in uu xiddigu garabka ka ciyaaro.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxaan ubaahanahay inaan helno kala duwanaansho aan ku ciyaarno qaabab kala duwan, anagoo buuxinayna meelo kala duwan”.

“Waxan aaminsanahay in uu ahaa kulankiisii marka loo eego qaabka ay u ciyaarto Man City, sida ay u jiitaan xiddigaha ka soo hor jeeda iyo boosaska la adeegsan karo”.

“Runtii waxa uu ahaa mid i qanciyay, sida iska cad way adkayd in aan laba weeraryahan ku ciyaarno laakiin waxa uu ahaa go’aan xeeladeysan”.

Sii Akhriso: Somaliland oo ka Jawaabtay heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo UN

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*