Mikel Arteta Oo Kashifay Sababtii Uu Thomas Partey U Ciyaari Waayay Kulankii Newcastle.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uuna Xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey wali taam buuxa noqon sidaas darteed uuna u ciyaarsiin kulankii Newcastle.

Xiddiga Thomas Partey ayaa ka maqnaa Arsenal tan ilaa bishii December markii uu ku dhaawacmay kulankii Tottenham ee premier League.

Partey ayaa kaliya 6 kulan u ciyaaray Arsenal tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii laakiin qaab ciyaareed fiican soo bandhiga marka uu ku bilowdo shaxda.

Xiddiga ayaa ku soo laabtay tababarka laakiin seegay kulankii Newcastle ee FA Cup-ka waxana uu Mikel Arteta sheegay in uu xiddigu ka qayb qaadan doono kulanka Newcastle ee khamiista.

“Waan qiimaynay xalaadiisa sida uu tababarka u qaatay waxana aan ogaanay in uuna wali taam u ahayn kulankii Newcastle”ayuu Arteta yidhi.

“Waxa aan rajaynayaa in uu ka qayb qaato kulanka Crystal palace ee khamiista waxana aan eegi doonaa sida uu tababarka u qaato maalmaha soo socda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*