Mikel Arteta Oo Kashifay Sababtii Ka Dambaysay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Liverpool.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa kala kulantay Liverpool kulankii lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka Carbao cup-ka.

Arsenal ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay kooxda Liverpool kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa lugtii 2-aad ee wareega Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Run ahaantii waan niyad jabsanahay, waxa aan doonaynay in aanu gaadho final-ka”.

“Waxa aan helnay fursado fiican, waxa ay ahayd in aan dhalino kuna soo laabano ciyaarta mar kale, birta ayaa laakiin noo diiday arintaas, waxana aan sidoo kale iska khasaarinay fursado badan waxana ay ahayd in aan fursadaha qaar dhamaystirno”.

“Waxa aan aaminsanahay in aan u qalanay in aanu badino, waxa aan abuurnay fursado cajiib ah laakiin ma dhicin in aan gaadhno final-ka”