Mikel Arteta Oo Kashifay Sababtii Guuldaradii Leicester City.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay niyad jabkii uu ka qaaday guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhacay Emirates kulan ay la kulantay guuldarro 1/0 ah.

Arteta oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi”Waxa aan dareemayaa niyad jab run ahaantii, waxa aan wax walba ku haynay gacanta, waan maamulnay qaybtii hore ee ciyaarta”.

“Leicester City waxa ay u ciyaaraysay qaab daafac ah arintaas ayaana sabab u ahayd guuldarada naga soo gaadhay kulanka”.

“Way adagtahay in fursad la abuuro hadii 10 xiddig kubada daba joogaan laakiin waxa ay ahayd in aan si fiican ku dhamaysano ciyaarta”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*