Mikel Arteta Oo Kashifay Kulanka Ay Garaaci Doonaan Liverpool.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa durba digniin u diray Liverpool isaga oo xaqiijiyay in ay kooxdiisu garaaci doonto Reds kulanka Carabao Cup-ka ee Khamiista.

Arsenal ayaa mar kale Liverpool marti ugu noqon doonta Anfield kulan ka tirsan wareega 16-ka ee tartanka Carabao cup-ka kadib markii ay guul 3/1 ah ka gaadheen kulan premier League ah Isniintii xalay.

Areta oo arintaas ka hadlaya ayaa Football London u sheegay”Dhanka is badalka shaxda kulanka Khamiista waan arki doonaa sida ay xiddiguhu u uga soo kabsadaan kulankan”.

“Sida iska cad kulankan waxa uu nagu keenay dadaal aad u badan sidaas darteed waxa aan qiimayn doonaa sida ay xiddiguhu u kabsadaan”.

“Waxa aan Anfield ugu laaban doonaa kaliya in aan garaacno Liverpool oo aan wareega xiga u gudubno”ayuu Arteta sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*