Mikel Arteta Oo Kashifay Daawada Ugu Fiican Ee Kooxdiisa Si Ay Dib U Bilaabaan Guulaha.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in guul ay ka gaadhaan kooxda Chelsea ay kooxdiisa ka caawin karto in ay dhanka kale u rogto xilli ciyaareedkooda.

Gunners ayaan badin tan ilaa 1-dii bishii November waxana laga reebay tartanka Carabao cup-ka iyaga oo dhaliyay goolal ka yar goolasha ay dhalisay kooxda Tottenham.

Kaliya Sheffield United Oo kaliya 2 dhibcood ka helay 14-ka kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen premier League ayaa ka xun kooxda Arsenal.

“Daawada ugu fiican ee xanuunkeena ayaa ah in aan guul ka gaadhno kooxda chelsea”ayuu Arteta yidhi.

“Hadii aan garaacno chelsea waxa aan aaminsanahay in uu qaab ciyaareedkeenu is badali doono waliba aanu guulo gaadhi doono”ayuu sii raaciyay Arteta.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 4 Cunto Oo Disha Kulanka Sariirta, Iska Ilaaliya, Waa Waajib Idin Saaran Gudashada Kulanka Sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*