Mikel Arteta Oo Kashifay Cida Iska Leh Eeda Guuldaradii Ka Soo Gaadhay Leicester City.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xiddigaha kooxdiisa weerarka uga ciyaara ku eedeeyay guuldaradii ka soo gaadhay Leicester City.

Gunners ayaa inta badan maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatooday goolka hortiisa iyada oo xiddigaha weerarku aanay wax saamayn ah ku yeelan ciyaarta.

“Waxa uu ahaa kulan adag  waxana nagu adkaatay in aan fursado abuurno”ayuu Arteta yidhi.

“Kaliya waxa ay ku soo koobantahay 2 ilaa 3 fursad oo aad hesho, mara aad hesho ma ahan in aan khalad samayso laakiin waa in aad ka faa’iidaysato”.

“Waxa aan abuurnay fursado fiican oo aan gool ku dhalin karno laakiin waxa aan ku dhibaatoonay goolka hortiisa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*