Mikel Arteta Oo Kashifay Cida Iska Leh Eeda Guuldaradii Arsenal Ka Soo Gaadhay Aston Villa.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday cida iska leh eeda guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Aston Villa kulan ka tirsanaa horyaaka premier League.

Arsenal ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay garoonka Emirates kana tirsanaa todobaadkii 8-aad ee Premier League.

Mikel Arteta oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi”Qaab ciyaareedkeenu waxa uu ahaa mid bilaa heer ah, waana in aan idhaahdo markii ugu horaysay ee aan ciyaarta bilownay maanu ahayn koox awood leh aniga ayaana iska leh masuuliyada eeda guuldarada”.

“Si fiican umaanu bilaaban ciyaarta caawiyaha Garsooraha ee VAR ayaana naga badbaadiyay gool wakhti hore laakiin waxa aan qaab ciyaareed liita ka soo bandhignay boos kasta”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*