Mikel Arteta Oo Ka Waxqabad Xun Unai Emery Bilowgiisa Arsenal.

Kadib guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay Leicester City horyaalka premier League waxa la is bar-bar dhigay waxqabadka tababare Mikel Arteta iyo tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Unai Emery.

Mikel Arteta ayaa kulankii 26-aad hogaamiyay kooxda Arsenal horyaalka premier League waxana uu ka waxqabad xun yahay tabaabrihii shaqada laga caydhiyay ee Unai Emery.

Unai Emery ayaa wax walba kaga fiican Mikel Arteta hadii ay tahay guulaha, Bar-baraha, guuldarooyinka goolasha ay dhalisay kooxdu iyo waxyaabo kale.

Tababare Mikel Arteta ayaa kaliya badiyay 12 ka mid ah 26 kulan oo uu premier League hogaamiyay kooxda Arsenal marka loo bar-bar dhigo 15 kulan oo uu Unai Emery guul ku hogaamiyay kooxda 26-kiisii kulan ee ugu horeeyay.

Hadaba Halkan  sawirka kaga bogo waxyaabaha kale ee uu Emery kaga fiicanyahay Mikel Arteta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*