
Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada weeraryahanka Gabriel Jesus kadib markii uu xiddigu ku dhaawacmay kulankii Man United ee FA Cup-ka.
Mikel Arteta ayaa qirtay in uu dhaawaca Gabriel Jesus wel-wel ku abuuray Arsenal kadib markii uu xiddigu dhaawac uga baxay kulankii FA Cup-ka.
Xiddiga reer Brazil ayaa garoonka looga qaaday sariirta dhaawaca waxana laga walaacsan yahay xaaladiisa dhaawac.
“Wel-wel weyn ayaa naga haya xaalada, taasi waa dareenkayga”ayuu yidhi tababaraha Arsenal ee Arterta.
“Waxa garoonka looga saaray sariirta haawaca waxana uu dareemayay xanuun weyn, waxa uu qabtay jilibkiisa,taasina ma ahan wax fiican”.
Be the first to comment