Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Thomas Partey Kadib Dhaawacii Kulankii Aston Villa.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Thomas Partey uu ka dhaawacmay muruqa kadib markii uu xiddigu ka baxay kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Aston Villa.

Partey ayaa 9 kulan ku seegay dhaawac bawdada ah intii u dhexaysay December iyo January laakiin ku bilowday 5-tii kulan ee ugu dambaysay ee premeir League.

Laakiin xiddiga ayaa ka baxay ciyaartii Aston Villa daqiiqadii 74-aad kadib markii uu dhaawacmay waxana lagu badalay xiddiga Willian.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay ayuu Mikel Arteta xaqiijiyay in uu xiddiga reer Ghana soo gaadhay dhaawac muruqa ah.

“Waxa uu ka cabanayaa muruqa”ayuu Mikel Arteta yidhi.

“Waxa aan ku qasbanayn in aan ciyaarta ka saarno sababta oo ah wuu sii wadan kari waayay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*