Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Thomas Partey.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Thomas Partey kadib kadib kulankii Aston Villa.

Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa todobaadkii 8-aad ee horyaalka Premier League.

Xiddiga Thomas Partey ayaan dhamaysan kulanka iyada oo la badalay daqiiqadii 46-aad laguna badalay xiddiga Dani Ceballos kadib markii uu ka dhaawacmay jilibka.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Partey waxa uu dareemay xanuun jilibka ah”.

“Waxa uu mari doonaa baadhitaan maalmaha soo socda kadib waxa aan ogaan doonaa nooca dhaawaca iyo inta ay leegtahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*