Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Gabriel

Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee daafaca Gabriel kadib markii daafaca dhexe dhaawac uga baxay kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay Tottenham.

Xiddiga Gabriel ayaa dhaawac uga baxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kadib markii uu u muuqday mid ka dhaawacmay muruqa dambe ee lugta Midig siina wadan kari waayay ciyaarta.

“Waa dhaawac muruqa ah,” ayuu Arteta u yidhi ciyaarta kadib.

“Gabby caadiyan ma ahan ciyaaryahan weydiista inuu ka soo baxo garoonka,” ayuu raaciyay.

“Sidaas darteed waxa uu dalbaday in badal lagu sameeyo waxa aan rajaynayaa in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah sababta oo ah maadama uu Rob maqan yahay isla markaas uuna Ben White taam buuxa ahayn ma haysano difaacyo badan bookaas”.