Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Bukayo Saka Kadib Dhaawacii Kulankii Liverpool.

Mikel Arteta ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu xiddiga Bukayo Saka taam u noqdo kulanka Tottenham ee Premier League kadib markii xiddigu ku dhaawacmay kulankii Liverpool ee Semi-final-ka Carabao cup-ka.

Dhaawaca Saka ayaa xumeeyay natiijadii fiicnayd ee ay Arsenal ka hesho kulankii Liverpool inkasta oo ay 10 xiddig ku dhamaysteen inta badan ciyaarta.

Saka ayaa dhaawac uga baxay daqiqiadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta Arteta ayaana sheegay in uu rajaynayo in uu xiddigu taam u noqdo kulanka Tottenham.

“Waxa uu dareemay xanuun daqiiqadihii ugu dambeeyay, aad ayuu u daalanaa”ayuu Arteta yidhi ciyaarta kadib.

“Ma garanayo xaaladiisa, waa xiddig da’yar ah waxana uu si deg-deg ah uga soo kabsan karaa dhaawaca”

“Waxa uu ciyaaray kulamo badan todobaadyadii uu dambeeyay, aan eegno in uu taam u noqon karo kulanka Tottenham”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*