Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Bukayo Saka Ka Hor Kulanka Olympiacos

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga Bukayo Saka ka hor kulanka Olympiacos ee lugta 2-aad ee Europa League.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa badal ku baxay qaybtii Nasashada ee kulankii Tottenham iyada oo uu Mikel Arteta ciyaartaas kadib xaqiijiyay in uu xiddiga u saaray dhaawac muruqa ah dartiis.

Guuners ayaa Khamiista marti galin doonta kooxda Olympiacos kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka Europa League xilli ay 3/1 ku soo badiyeen kulankii hore.

Arteta ayaa sheegay in ayna kooxdiisu qabin wax wal-wal dhaawac ah ka hor kulanka Olympiacos isaga oo ka warbixiyay xaalada Saka.

“Cid walba way fiicantahay”ayuu Mikel Yidhi.

“Waxa jira dhawr xiddig oo uu shaki ku jiro laakiin waxa aan rajaynaynaa in ay ciyaaraan kulanka”.

“Saka haatan wuu fiicanyahay kadib markii la sameeyay baadhitaan waxa uu xanuun ka dareemay muruqa”.

“Laakiin haatan waa fiican yahay waxana aan qaadan doonaa go’aanka ka qayb galkiisa kulanka fiidnimada caawa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*