Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Mustaqbalka Bukayo Saka.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in ay tahay “arrin wakhti ah” ka hor inta uuna Bukayo Saka heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Heshiiska xiddiga 20 jirka ah ee Arsenal ayaa dhici doona sanadka 2024 waxana si weyn loo hadal hayaa mustaqbalkiisa todobaadyadii ugu dambeeyay.

Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa la rumaysanyahay in ay xiiso u qabaan xiddiga reer England ee 131 kulan saftay Arsenal.

Si kasta ha ahaatee Arteta ayaa ku kalsoon in ay Arsenal wakhti dhaw heshiis cusub ka saxiixan doonto Saka iyada oo tababaraha reer Spain sheegay in uu wakhti kaliya ka hadhsanyahay heshiiska cusub ee xiddiga.

“Waan isku dayi doonaa”ayuu Arteta yidhi.

“Saka iyo Arsenal waxa ay leeyihiin hal Hami oo ah in uu saxiixo heshiis cusub sidaas darteed wakhti kaliya ayaa inaga xiga”ayuu sii raaciyay.