Mikel Arteta Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Ronald Koeman Ka Badalayo Shaqada Barcelona.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uu diirada saarayo shaqada Arsenal kadib markii ay soo bexeen warar la xidhiidhinaya shaqada tababaranimo ee Barcelona bilowgii todobaadkan.

Waxa todobaadkan soo baxayy warar sheegaya in mushaharaxa madaxweynaha Barcelona ee Joan Lamprta doonayo in uu Arteta ka dhigo tababaraha cusub ee kooxda hadii uu ku guulaysto xilka Barcelona.

Wakhtigii hore ee uu madaxweynaha u ahaa kooxda Laprta ayaa Pep Guardiola ka dhigay tababaraha Barcelona isaga oo kooxda guulo waaweyn la gaadhay.

Arteta ayaa Caawiye u soo noqday lana soo shaqeeyay Pep Guardiola ka hor intii uuna noqon tababaraha cusub ee Arsenal bishii December ee sanadkii 2019.

Marka loo eego in uu ka soo baxay Akademiyada Barcelona Laporta ayaa Arteta u calaamadsaday tababaraha cusub ee Barcelona hadii uu ku guulaysto madaxtinimada kooxda.

“Mar walba waxa jiri doona warar ka soo baxaya Barcelona mar walba oo ay doorasho jirto waana koox weyn”ayuu Arteta yidhi markii wax laga waydiiyay wararka la xidhiidhinaya Barcelona.

‘Sida iska cad waxa aan ku soo koray halkaas markii aan ciyaartoyga ahaa mar walbana waxa jiri doona xidhiidh laakiin haatan waxa aan diirada saarayaa shaqada aan ka hayo Arsenal”.

“Waxa aan idiin sheegayaa in aan ku faraxsanahay ka shaqaynta kooxda Barcelona”ayuu Arteta sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*