Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Wararka Bukayo Saka La Xidhiidhinaya Liverpool.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa aaminsan in ay calaamad fiican tahay in Bukayo Saka lala xiriirinayo kooxda Liverpool.

Xiddiga reer England ayaa xiddig muhiim ah ka noqday Arsenal isaga oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 6 gool 4 kalena caawiye ka noqday 20 kulan oo uu ciyaaray.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Liverpool xiiso u qabto saxiixa xiddiga si uu Jurgen Klopp ugu xoojiyo kooxdiisa.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa waa war fiican, marka in badan la hadal hayo isla markaas kooxo kale doonayaan saxiixa xiddigahaas waa calaamad fiican”.

Saka ayaa dhawaan heshiis cusub u saxiixay kooxda Arsenal isaga oo kooxda sii joogi doona ilaa xagaaga 2025 kadib markii uu qalinka ku duugay heshii wakhti fog ah.