Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Suurtagalnimada Shaqada Looga Caydhin Karo Mikel Arteta Xilli Taageerayaasha Gunners Dalbanayaan In La Caydhiyo.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay suurtagalnimada looga caydhin karo shaqada Arsenal kadib guuldaradii Kooxda ka soo gaadhay Wolves kulan ka tirsanaa Premier League.

Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay Wolves iyaga oo markii 3-aad oo xidhiidh ah lagu garaacay garoonkeeda horyaalka premier League iyaga oo hal guul gaadhay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Taas ayaa keentay kadib ciyaartii Wolves in ay qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal dalbadaan in shaqada laga caydhiyo Mikel Arteta kadib sida xun ee ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Maalintii aan go’aansaday in aan tababare noqdo waxa aan ogaa in maalin shaqada la iga caydhin doono”.

“Ma garan karo in ay noqon doonto maalinta bari ah ama maalin kale laakiin waxa aan ogaa in aan shaqada waayi karo”.

“Haatan uma baqayo shaqadayda kaliya waxa aan ka fikirayaa sidii aan kooxda ugu hogaamin lahaa natiijooyin fiican”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*