Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Alexandre Lacazette

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Arsenal wadahadalo la furi doonta Xiddiga Alexandre Lacazette si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda Arsenal waxana lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda.

Alexandre Lacazette ayaa Arsenal u dhaliyay 11 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan uguna dambeeyay rikoodhadii uu ka dhaliyay Leicester City.

“Waxa uu kooxda kula jiraa heshiis”ayuu Mikel yidhi.

“Waxa uu u ciyaaray si fiican todobaadkii ugu dambeeyay waana waxa aan isaga ka doonayno”.

“Waan ku faraxsanahay wadahadalada ay kooxdu kala bilowday heshiiskiisa waxa aan rajaynayaa in ay dhawaan dhamaystiranto”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*