Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Premier League.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa Diiday in uu Iska dhiibo tartanka Premier League inkasta oo ay 11 dhibcood ka dambeeyaan Liverpool.

Arsenal ayaa Laga badiyay kulankii ugu dambeeyay waxana ay haatan 11 dhibcood ka dambeeyaan Liverpool oo hogaaminaysa Horyaalka.

Inkasta oo kooxdiisa Laga horeeyo 11 dhibcood hadana Arteta ayaa Diiday in uu iska dhiibo tartanka Premier League.

Mar wax laga weydiiyay hadii uu ka quustay tartanka Premier League ayuu Arteta yidhi”Waxa aan ka quusanayaa tartanka Premier League kaliya marka aan Shinto”.

“Haddii kale, guriga ayaan aadi doonaa. Xisaab ahaan, waa suurtagal. Wali waan tartamaynaa”.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga