Mikel Arteta Oo Ka Fiirsanaya In Uu Boos Lama Filaan Ah Ka Ciyaarsiiyo Xiddiga Ainsley Maitland-Niles Kulanka Chelsea.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka fiirsanaya inuu ku bilowbo xiddiga Ainsley Maitland-Niles kulanka Arsenal ee finalka FA Cupka ee ay la ciyaarayaan Chelsea.

Tababaraha Gunners ayaa wajahay Madax-xanuun doorasho ka hor kulanka Wembley maadama uu dhaawac ku seegayo xiddiga Shkodran Mustafi taas oo la macno ah in uu isku shaandheeyo daafaciisa.

Dookhiisa ugu macquulsan ayaa ah in uu daafaca Bidix ee Kieran Tierney u wareejiyo daafaca dhexe kuna ciyaara 3 daafac ah sidoo kale xiddiga Maitland-Niles u adeegsado garabka daafac bidix ee weerarka.

Da ‘yarkan ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii Man City sidoo kale ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii Premier League ee ay la ciyaareen Watford.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*