Mikel Arteta Oo Ka Fal Celiyay Khaladkii Dilaaga Ahaa Ee Uu Sameeyay Bernd Leno Kulankii Everton.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in khaladkii uu sameeay Goolhaye Bernd Leno in ay ka mid tahay kubada cagta kadib markii uu Leno iska dhaliyay goolka ay Everton guusha ku gaadhay kulanka.

Arsenal ayaa ahayd kooxda fiican inta badan laakiin ku dhibaatoonaysay in ay gool dhaliyaan xilli ay Everton lafteedu samaysay fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kartay.

Everton ayaa daqiiqadii 76-aad hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu Goolhaye Bernd Leno si khaldan gool isaga dhaliyay kadib kubad uu Richarlison ku soo laagay goolka Arsenal.

Mikel Arteta oo ka hadlaya khaladka ayaa yidhi”Khaladku waa wax ka dhaca kubada cagta laakiin waxa ay ahayd in uu shaqo fiican qabto”.

“Cid walba kubada cagta khalad way samaysaa nasiib xumo Leno ayaa smaeeyay waana qayb ka mid ah kubada cagta”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*