Mikel Arteta Oo Ka Fal Celiyay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Villarreal.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa qirtay guuldaradii 3-2 ee ka soo gaartay Villarreal inay ahayd “xanuun.”

Gunners ayaa guuldarro ka soo gaartay taageerayaasheeda hortooda kulankii Emirates Cup fiidnimadii Arbacada.

Nicolas Pepe ayaa daah furay goolkii kooxdiisii hore ka hor inta uusan Karl Etta Eyong dhalin goolka 2-aad.

Kooxda martida loo ahaa ayaa hal gool dib u soo ceshatay ka dib markii Christian Norgaard uu madax ku dhaliyay kubad koorneed uu soo qaaday Gabriel Martinelli.

Xiddiga Arnaut Danjuma ayaa Villarreal u soo celiyay hogaanka isaga oo dhaliyay goolka 3-aad.

“Maanta, waxaan u maleynayaa in natiijadu ay xanuun badan tahay,” Arteta ayaa yiri ka dib.

“Maanta kumaanu fiicnayn dhamaan boosaska taas ayaana keentay in aan guuldaro la kulano”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga